Hubka ay Qabteen Ciidamada Badda Dalka Australia Wuxuu ku Wajahnaa Al-shabaab

0

Dowlada Soomaliya ayaa sheegtay in hubkii dhawaan ay qabteen ciidamada Badda dalka Australia uu ku wajahnaa dhanka Xarakada  Al Shabaab oo dowlada dagaalka kula jirta.

C/risaa Cumar Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladaha Australia iyo soomaliya ay xiligaan u bilowdeen wada-hadalo ku aadan hubka ay qabteen ciidamada badda dalka Australia kadib howlgal ay ka sameeyeen meel ku dhow xeebaha dalka omaan ee bariga dhexe.

“Somaliya iyo Australia waxay ka wada hadlayaan hubka ay qabteen Ciidanka Badda dalka Australia weli waxaa socda baaritaanada ku aadan hubkaasi la qabtay, maalmaha soo socdana faah faahin way ka soo bixi doontaa.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed oo Voa-da u wareysi siiyay.

“hubka ay qabteen Ciidamada Badda dalka Australia waa hub loo waday ciidamada al-shabaab waana hubnaa in ay taasi jirto ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka amniga Xukuumada Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed.

Ciidamada Badda dalka Australia ayaa todobaadkaan Gudihiisa xeebaha dalka Omaan ee bariga dhexe waxa ay ka qabteen dooni siday hub aad u fara badan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here