Dowlada Kenya oo Faah-Faahin ka Bixisay Duqeymo ay diyaaradaheeda ka Fuliyeen Gudaha Soomaliya

0

Sirdoonka dowlada Kenya ayaa faahfaahino ka bixiyey duuqeymo ay diyaaradaha Kenya ka fuliyeen gobolada Gedo iyo gobolka Jubada dhexe ee koonfurta dalka soomaliya.

Warbixinta sirdoonka Kenya ayaa lagu yiri  ”diyaaradaha dagaalka ee Kenya waxa ay  maalinkii sabtida aheyd duqeeyeen xaafada sidimo oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta soomaaliya, iyagoona sheegay in waxyeelo la gaarsiiyey Mas’uuliyin ka tirsan Al-shabaab oo xaafadaasi maamulayey.

Sidoo kale hay-adaha sirdoonka Kenya ayaa sheegay in maalinkii axada ee shalay ay diyaaradaha Kenya duqeeyeen saddex saldhig oo Al-shabaab ay ku tababari askartooda kuna yaalay deegaanka hargeysa yareey oo ka tirsan degmada jilib ee gobolka jubada dhexe.

Duqeentaasi ayay sirdoonka Kenya  ku sheegteen in ay ku bur buriyeen ilaa saddex saldhig oo ay alshabaab kaga sugnaayeen degmada jilib waxaana ay sidoo kale ay hay-adaha sirdoonka Kenya ay ku dareen warbixintooda in qaasaaro dhimasha leh loo geestay alshabaab in kastoo aysan soo ban dhigin inta qasaarahaasi uu gaarsiisan yahay.

Deegaanka hargeysa yareey ee Gobolka Jubada dhexe  ayaa Al-shabaab ay maamulayaan sanado badan iyagoo ku leh xarumo lagu tababaro ciidanka ka midka ah Alshbaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here