Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada baladweyne ee Ugaas Khaliif oo ay ku dhaawacmeen 6 qof.
Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle taliyaha ciidanka booliska degmada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qaraxa lala damacsanaa in lagu qarxiyo diyaarad usoo socotay Magaalada Muqdisho
Taliyaha ciidanka booliska degmada Baledweyne waxa uu sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen 6-ruux labo kamid ahna ay yihiin askar ka tirsan ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka amisom ee ku sugan Gobolka Hiiraan,
Qaraxa ayaa ka dhacay goob ay ciidamada dowlada jabuuti oo qeybta ka ah howlgalka amisom ay ku baaraan dadka iyo waxyaabaha xamuulka ah ee culus ,
Dhanka kale Ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxaani maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

