Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada dhexe gaar ahaan deegaan la Yiraahdo hargeysa yareey ayaa ku waramaya in halkaas ay ka dhacday duqeyn diyaareed oo lala bartilmaameedsaday ilaa sedex saldhig ay deegaankaas ku lahaayeen xarakada al-shabaab.
Dadka deegaanka Hargeeysa Yareey ee Gobolada Jubada dhexe ayaa tilmaamay in ay maqleen ilaa dhoor gantaal oo lagu garaacay sedex saldhig ay al-shabaab ku lahaayeen deegaankaas.
Dhanka kale dowlada Kenya wali ma aysan shaacin cida ay ku dishay duqeynta ay ka fulisay deegaanka Hargeeysa Yareey ee Gobolada Jubada dhexe . oo kamid ah goobaha ay maamulaan al-shabaab.

