Laamaha amaanka Maamulka Soomali-land ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay 8-nin oo lagu tuhmaayo in ay ku lug lahaayeen dilkii Taliyaha ciidamada Booliska Gobolka saaxil Cabdirisaaq Yuusuf Casayr,
Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada amaanka maamulka soomali-land ay gacanta ku hayaan ilaa 8-nin oo lagu tuhmaayo dilka Taliyaha booliska Gobolka Saaxil isla markaana ay haatan ku socdaan baaritaano.
Wasiirka arrimaha Gudaha Maamulka Soomaliland waran cadde ayaa dhanka kale sheegay in ragaan laga soo qabtay deegaanka Buuralayda ah ee magaalada Berbera kaga beegan dhinaca Bari.
Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade waxa uu tilmaamay in dilkii loo geystay Taliyihii ciidamada Booliska Gobolka Saaxil ay ku tuhmayaan 11-qof 8-qof haatan gacanta lagu hayo 3-qofna ay wali baxsad yihiin.

