Safaarada Soomaliya ee wadanka Kenya ayaa maanta deeq dhar ah gudoonsiiyay 7muwaadin oo soomaali ah, kuwaasi oo magaalada Mombasa ku so dhameystay xabsi 7-sano ah, ka dib markii lagu eedeeyay falal burcad badeednimo ah.
Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan iyo Qunsulka Safaarada Cali Maxamed Shiikh Cali Begadi ayaa ka qeyb galay xaflad kooban oo ka dhacday Safaarada soomaliya ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Ugu horeyntii Danjiraha Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxmed Xasan ayaa sheegay in safaarada soomaliya ee Magaalada Nairobi ay dadaal weyn u gashay sidii loo soo deyn lahaa muwaadintaan soomaliyeed.
Dhanka kale qaar kamid muwaadiniinta Soomaliyeed ee dhameysaty xabsiga 7-sano ayaa sheegay in ay ahaayeen kaluumaysato aan lagu soo qabanin iyagoo ku jira falal burcad badeednimo ah.
Duhurnimadii maanta ayay dib ugu soo laabteen Magaalada Muqdisho caasimada soomaliya iyagoo kasoo degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.
Bishii sagaalaad ee sanadkii hore ee 2015-ka ayey ahayd markii ay mas’uuliyiinta safaarada Soomaaliya ee Dalka Kenya ay magaalada Mombasa ku booqdeen maxaabiista Soomaaliyeed oo ku eedeysan falalka burcad badeednimada ah.
dowlada Kenya ayaa horaan muwaadiniintaan soomaliyeed ku xukuntay min 7-sano kadib markii ay ku eedeysay in ay ahaayeen kooxo burcad badeed ah soomaali ah.






