Wararka ka Imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in goor dhaw Ciidamo ka Tirsan Maamulka Jubbaland lala eegtay Qarax loo adeegsaday bamb-ka nuuca dhulka lagu aaso.
Weerarka ayaa ka dhacay fariisin Ciidanka Jubbaland ay ku lahaayeen deegaan dhaca duleedka Magaalada ismaayo ee Xarunta Jubada hoose,waxaana la sheegaya in halkaas uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo waliba dhaawac soo gaaray ciidanka Miinadu la qaraxday waloow aan la ogeyn inta uu le’egyahay qasaaraha halkaa ka dhashay.
Warar lagu kalsoonyahay oo aan ka helayno Deegaanka ay wax ka dhaceen ayaa sheegaya Markuu qarxu dhacay kadib Gaadiid lagu daabulay askar joogtay fariisinka ciidan ee qaraxu ka dhacay kuwaa oo loo qaadayo sida la sheegay Isbitaalada Magaalada Kismaayo ku yaalla si halkaa xaaladdooda loogu dabiibo.
Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland oo aan xiriirro kala duwan la sameynay ayaa ka gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiyaan qaraxan maanta lala eegtay Ciidamada Jubbaland ee ku sugan duleedka Magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose.
Deegaankii ay wax ka dhaceen ayaa lagusoo waramayaa in hadda ciidanku ay ka wadaan howlgal ay sameynayaan ciidankii qaraxa lala eegtay,waxaana lagu waramayaa in ay qaqabteen tiro dad ah oo ay sheegeen in ay ka dambeeyaan Weerarka halkaa ka dhacay.
Dhawr Mar Ciidankla Mamulka jubbaland ayaa qaraxyo kala duwan lagula eegtay gudaha iyo duleedka Magaalada Kismaayo iyo deegaanada kale ee ay ka arimiyaan Ciidanka Maamulka Jubbalnd.

