Wasiirka difaaca Xukuumadda Soomaaliya C.qaadir Sh.Cali Diini iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose.
Wafdiga Wasiirka ayaa ka kicitimay Magaal;ada Muqdisho waxaana u jeedka ay u tageen magaalada Kismaayo lagu sheegay in ay tahay ka qeybgalka iyo qacinta beelo la sheegay in ay ka gadoodeen ka qeybgalka shir dib u heshiisiin lagu sheegay oo Maamulka jubbaland uu ka furay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubada Hoose.
Wasiirka difaaca Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa si weyn ugusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo Xubno ka tirsan Maamulka Jubbaland waxaana lagu wadaa in uu kulamo la qaato masuuliyiinta Maamulka Jubbaland Waxaana loosoo galbiyey xarunta Madaxtooyada Magaalada Kismaayo halkaasi oo hadda la sheegay in kulamo hor dhac ah uu la leeyahay Madaxda Maamulka Jubba gaar ahaan hogaamiyaha Maamulkaasi Axmed Madoobe.
Xubnahan uu hogaaminaayo wasiir diini ayaa inta ay ku suganyihiin Magaalada Kismaayo sidoo kale waxaa ay kulan la qaadandoonaan saraakiisha Ciidamada Kenya ee ku sugan Jubbooyinka iyo waiba kuwa Maamulka Jubba kulamadaasi oo looga hadlaayo la dagaallanka xarakada Al-shabaab.

