Wararka naga soo gaaraya Gobolka Saaxil ee Maamulka Soomali-land ayaa ku waramaya in kooxo burcad ah ay maanta dileen Taliyihii booliiska Somaliland ee gobolka Saaxil Cabdirisaaq Yuusuf Axmed.
Taliyaha booliiska Somaliland Sareeye guuto Cabdullahi Fadal Iimaan. oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in taliyaha la dilay uu doonayay in uu kala dhaxgalo ciidamada amaanka Gobolka saaxil iyo dad mudaaharaadyo dhigayay.
Dhanka kale Taliyaha booliiska Somaliland Sareeye guuto Cabdullahi Fadal Iimaan. ayaa sheegay in ciidamada booliska Somali-land ay howl-galo amni xaqiijin ah ay ka wadeen meel buuraley ah oo u dhow deegaanka Biyoole ayna soo weerareen koox hubeysan, oo goobta markii dambe ku dilay Taliyaha.
Deeganada Maamulka Soomali-land waxaa ka dhaca falalka noocaan oo kala oo lagu dilo saraakiisha ciidamada Gobolada Maamulka Soomali-land .

