Maamulka Juba-land oo Sheegay in ay dileen Ciidamo ka Tirsanaa Al-shabaab

0

Maamulka Juba-land ayaa sheegay in ay dileen askar ka Tirsanaa xarakada al-shabaab kadib weerar gaadmo oo ay ka fuliyeen  deegaanka Biroole oo 40 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Afhayeen u Hadlay Maamulka Juba-land oo lagu magacaabo  Axmed Maxmuud Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Juba-land ay weerar gaadmo ah ay ku dileen ilaa 7-ka Tirsanaa ciidamada al-shabaab.

Afhayeenka  u hadlay Maamulka Juba-land waxa uu sheegay in dhankooda uusan wax khasaare kasoo gaarin dagaalka ka dhacay deegaanka Biroole oo ay la galeen ciidamada xarakada al-shabaab Al-Shabaab.

Dhanka kale wali wax war ah kama soo bixin Maamulka al-shabaab ay kaga hadlayaan sheegada maamulka Juba-land ee ku aadan in ay dileen 7-askari oo ka Tirsanaa ciidamada al-shabaab kadib weerar gaadmo ah ay qaadeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here