Dowlada Tanzania oo Sheegtay in ay dishay Rag Lagu Tuhmaayo Al-shabaab

0

Dowlada Tanzania ayaa sheegtay in ay dishay 3-ruux oo lala xiriirinaayo in ay kamid ahaayeen xarakada al-shabaab.

Sarkaal ka Tirsan ciidamada Booliska dowlada Tanzania oo Lagu Magacaabo Liberatus Sabas, ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada booliska Tanzania  iyo rag lagu tuhmaayo in ay ka tirsanaayeen al-shabaab ay rasaas isku weedeersadeen woqooyiga Magaalada Arusha ee dalka Tanzania. Taasina ay keentay in ciidamada ay dilaan ragii lagu tuhmaayay al-shabaab.

Liberatus Sabas waxa uu sidoo kale sheegay in raga la dilay ay xirnaayeen dareeska ciidamada Malatariga dowlada Tanzania saacado koobana  ay dagaalamayeeen iyaga iyo ciidamada booliska dowlada Tanzania.

Laamaha amaanka dalka Tanzania ee qaarada Africa  ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan kooxo kale oo lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin al-shabaab oo wali ku sugan Magaalooyinka dalka Tanzaia.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here