Baarlamanka oo Guddi u Magacaabay Baaritaanka la Xiriira Tacadiyo ay la Kulmaan Maxaabiista

0

Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ayaa guddi u magacaabay Baaritaanka la xiriira tacadiyo la sheegay in ay la kulmaan qaar kamid ah Maxaabiista ku xiran Xabsiyada ay Maamusho Dowladda Somaliya,

Xubnaha Guddigan Xaqiiqo raadinta, ayaa ka kooban , guddiyada baarlamanaka ee cadaaladda xuquuqul, insaanka ,iyo amniga. ee baarlamanka Soomaliya.

Xubnaha Guddigan loo magacaabay waxaa ka mid ah , Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax, xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan, xildhibaan Mahad Maxamed Ducaale, Cali Yuusuf Cismaan, xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqorre, xildhibaan Maxamed Amiin Xasan Cabdullaahi, xildhibaan Khaalid Axmed diiriye, Cabdicasiis Cabdullaahi Yusuf, xildhibaan Cabdiraxmaan Ibraahim Cali iyo xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud, waxaana guddigan guddoomiye u noqday xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqorre.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa xildhibaanada Baarlmaanka Soomaliya ku wargaliyay in la sameeyay guddi dabagal ah oo si gaar ah u soo baara tacaddiyada ay la kulmaan maxaabiista ku xiran xabsiyadda Magaalada Muqdisho.

Magacaabista Gudigaan ayaa kusoo aaday kadib markii 21-kii Febraayo, Xildhibaanno 100 xubnood ah iyo Madaxweynha Soomaliya Xasan Sheekh oo kulan gaar ah oo ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd ay ku qaateen xafiiska guddoomiyaha Baarlamaanka ee Villa Hargeysa.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here