Madaxweynaha soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud waxa uu beeniyay in uu daah rogay Tirada rasmiga ee ciidamada Kenya kaga dhimatay weerarkii 15-junuary ka dhacay deegaanka ceel-cadde ee Gobalka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya.
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uusan shaacin tirada ciidamada Kenya kaga dhimatay weerarkii deegaanka ceel-cadde ee Gobalka Gedo.
“Tirada Madaxweynaha ee 180-200 ee uu wareysiga ku sheegay ulama jeedin tirada saxda ah ee ugaga dhimatay Kenya weerarkii Ceelcadde, balse Madaxweynaha waxa uu tilmaamaayay xajmiga cutubka iyo askarta laga yaabay inay xilligaas ku sugneyd saldhigga Ciidamada.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowlada iyo shacabka soomaliyeed ay mar walba garab taagan yihiin ciidamada Kenya oo dowlada soomaliya ku taageera la dagaalanka al-shabaab. iyo nabad kusoo celinta soomaliya
Hadalka madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa imaanaya xili todobaadkii Hore uu ka dhawaajiyay tirada ciidamada Kenya kaga dhimatay weerarkii ka dhacay deegaanka ceel-cadde ee Gobolka Gedo wallow ay dowlada Kenya ay arintaas beenisay.

