Dhageyso:- Maamulka Gobolka Banaadir oo Lagu Wareejiyay Amaanka Magaalada Muqdisho

0

Kulan  loogu hadlaayay amaanka Muqdisho ayaa habeenkii  xalay ahaa ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa kasoo kasoo qeyb galay Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir, ahna ku-simaha Gudoomiyaha maxamed axmed Diiriye Taliyaha ciidanka booliska iyo Taliyaha Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya C/raxmaan Maxamed Tuur yare.

Taliyaha Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qarnka dowlada soomaliya C/raxmaan Tuur yare oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in amaanka Gobolka banaadir gacanta loo galiyay sugidiisa Maamulka Gobolka Banaadir isla markaana maamulka lagula xisaabtami doono. wixii ka dhaca Muqdisho.

C/raxmaan Tuur Yare Taliyaha Nabad sugida waxa uu tilmaamay in ciidamada Nabad sugida ay xiligaan wixii ka dambeeya ay bilaabanayaan la dagaalanka al-shabaab oo wali ku sugan qaar kamid ah Magaalooyinka Gobolka dalka Soomaliya.

Maalmihii dambe Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay falal amniga lidi ku ah waxaa ugu dambeeyay weerarkii habeen hore ka dhacay Hoteelka syl ee Magaalada muqdisho.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here