Wasiirka Amniga oo Baarlamanka ka Codsaday Meel-Marinta Sharciga la Dagaallanka Argagixisada

0

Wasiirka amniga Gudaha xukuumada Soomaliya C/risaaq cumar Maxamed ayaa xildhibaanada Baarlamanka soomaliya ka codsaday in ay meel mariyaan sharciga la dagaallanka argagixisada, si loogu hortago weerarada xarakada al-shabaab.

C/risaaq cumar Maxamed Wasiirka amniga gudaha xukuumada soomaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ansixinta sharciga la dagaalanka argagixisada, iyo sharciyo kale ay sahli karaan in gabi-ahaanba dalka laga saaro al-shabaab.

“Baarlamaanka Soomaaliya waxaan ka codsaneynaa inay meel mariyaan sharciga ladagaallanka argagixisada iyo sharciyada kale ee la xiriira dhanka cadaaladda si loola dagaalamo kooxaha dalka kawada foodada ayuu yiri wasiirka amniga.

Dhanka kale Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa xildhibaanada baarlamanka soomaliya ka codsaday in ay meel mariyaan sharciyada horyaala si ciidamada dowlada soomaliya ay u gutaan waajibaadkooda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here