Waxaa Maanta Magaalada Djabuuti ee caasimada Jabuuti ka furmi doono shir loogu hadlaayo amaanka Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan Madaxweynayaasha dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga africa ee AMISOM.
Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud oo shirkaas ka qeyb galaya ayaa sheegay in loogu hadli doono xaaladda amniga iyo hawlgallada AMISOM, iyo sidii loo xoojin lahaa la dagaallanka Al-Shabaab.
Mudane Xasan sheikh Maxamuud waxa uu sheegay in ujeedka al-shabaab uu yahay xasuuqa shacabka soomaliyeed iyo in ay horjoogsadaan nabada soomaliya wuxuu ugu baaqay hogaamiyaasha kulanka maanta ka qeyb galaya in si wadajir ah loola dagaalamo al-shabaab.
Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galaya Madaxweynayaasha Uganda, Brundi, Kenya, iyo madaxweynaha dalkiisa lagu marti galinaayo ee ismaaciil cumar Geelle.
Halkaan Hoose ka dhageyso wareysi uu wariyaheena cowke la yeeshtay afhayeenka madaxweynaha soomaliya Daa’ud aweys

