Weeraryahankii Hore ee kooxda Arsenal Thierry Henry ayaa aaminsan in kooxda arsenal ay haysato fursad ay guul weyn kaga gaari karto kooxda Manchester United kulanka galabta dhacaya.
Thierry Henry ayaa rumeysan in dhaawacyada ay qabto kooxda Manchester United ay sabab u noqon doono in ay guuleysato kooxda arsenal oo horey kaga soo adkaatay kooxda Manchester United kulan ka dhacay garoonka Emirates.
Manchester United waxaa xiigaan dhaawacyo kaga maqan xidigo dhowr ah kuwaasi oo muhiin u ah kooxda marka laga hadaalo ciyaarta kulamada horyaalka dalka ingiriiska,

