Madaxweynaha Soomaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Jabuuti ismaaciil cumar Geelle

0

Madaxweynaha soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa maanta Magaalada Dj Jabuuti ee dalka jabuuti waxa uu kula kulmay dhigiisa dalka Jabuuti mudane ismaaciil cumar geelle.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda uga wada hadlay arrimo ay midtahay xoojinta xirirka walaaltinimo ee ka dhexeysa labada dowladood iyo sidii ay dowladda Jabuuti ay u sii xoojin lahayd taageerada ay siineyso Soomaaliya gaar ahaan dhanka ammaanka. Madaama ay ciidamo ka socdo jabuuti ay ku sugan yihiin Soomaliya.

Madaxweynaha soomaliya iyo Madaxweynaha Jabuuti ayaa kulankooda sidoo kale ugu hadlay shirka beri ka furamaya Jabuuti ee ay isugu imaanayaan Madaxweyneyaasha ciidamadooda ka jooga Soomaaliya, kaasi oo diiradda lagu saarayo arrimaha ammaanka ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa  howlgallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here