Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ahna kusimaha MadaxwEynaha isla markaana ah guddoomiyaha guddiga abaaraha ee Dawladda Puntland oo uu wehelinayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa maanta 27-Feb-2016 Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Boosaaso waxa ay kulan kula qaateen ganacsatada reer Puntland ee ku dhaqan Boosaaso.
Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Caddaaladda Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta Puntland iyo Ganacsatada ku dhaqan Boosaaso oo intooda badan madax ka ah shirkadaha ganacsi ee ugu waaweyn Puntland.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa kala hadlay ganacsatada reer Puntland sidii ay door mug leh uga qaadan lahaayeen gurmadka abaaraha aafeyey dadkii iyo duunyadii ku dhaqnayd gobollada Puntland.
Ganacsatadii kasoo qayb gashay kulanka ayaa Madaxweyne ku-xigeenka waxay u sheegeen in ay samaysteen guddi isla markaana aya guddoomiye u doorteen sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo kamid ah ganacsatada iyo Culumaa’udiinka Puntland, guddigaas oo Akoonno ka furi doona Bangiyada Dahabshiil, Amal iyo Salaam Bank, isla markaana ay u hawl-geli doonaan sida ugu dhaqsaha badan sidii ay qaybtooda uga qaadan lahaayeen gurmadka abaaraha ee ay dawladdu ku dhawaaqday.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha ayaa ganacsatada ku boorriyey in ay ka-qayb qaataan gurmadka abaaraha isla markaana ay tahay arrintaasi mid waajib diini ah ku ah qof walba oo muslim ah oo awoodi karaya in uu ka qayb qaato gurmadka loo samaynayo dadka iyo duunyada ay abaaruhu halakeeyeen.
Sidoo kale kusimaha Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay ka bilowday gurmad biyo dhaamis ah 78-goobood oo kamid ah dhulka ay abaaraha ba’ani kajiraan isla markaana maalin walba 10 foosto oo biyo ah oo maalinle ah la gaadhsiiyo goob kasta oo kamid ah 78-daasi goobood.
Wuxuu sidoo kale sheegay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland in ay Dawladdu xilli hore bilowday in bixiso dhaqaalaha ay kaga qayb qaadanayso gurmadka abaaraha isla markaana ay furtay Akoon, kaas oo lagu uruurinayo ama lagu kaydinayo dhaqaalaha ay dawladdu ugu talo gashay in ay kaga qayb qaadato gurmadka loo samaynayo dadweynaha reer Puntland ee ay abaaruhu waxyeelleeyeen.
—DHAMMAAD—



