Madaxweyna Syria oo balan Qaaday inay joojinayaan dagaalka Hadii Syria laga Xoreenayo Argagixisada

0

Bishaar al-asad madaxweynaha Syria ee xukunkiisa muranka ka taaganyahay ayaa isaga oola hadlaya jariirada reer isbain ee bays ayaa tilmaamay in muhiimada aysan ahayn in la joojiyo dagaalka balse ay tahay in arga-gixisada laga saaro dalka Syria

“anaga wan awoodna ku dhawaaqista joojin dagaal iyo duqeymo balse arinka intaa kuma koobna wadanka waxaa nalajooga arga-gixiso anagana iyaga ayan la dagaalamaynaa ma ahan in lana dhaleeceyo ee waa in lana taageeraa maxaa yeelay fitno ayan calamka ka heyna “ sida waxaa yiri madaxweynaha dalka foodada ka jirto ee Syria

Wadamada caalamka ayaa eedeeyay xulufada Syria iyo ruushka iyo iiraan ay dagaalka kula jira kooxaha mucaaradka ee dalkaas ka dagaalama oo dhankooda doonaya in dalka ka saaraan Dowlada Syria.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa baaqday kulamo lagu doonayey inay isku afgartaan mucaaradka syria iyo xukuumada dimishiq sababo la xiriira dagaalo ka socday wadanka waxaana kamid ahaa wada hadal lagu balansana bilawgii bishan in uu ka  dhaco magaalada munich ee dalka jarmalka.

Kooxaha mucaaradka ayaa sheegay in wax wada hadal ah aysan la galeyn dowlda dalkaasi ilaa ay joogsadaan weerarada diyaaradaha ruushka ay ka wadaan dalkaasi iyo dagaalada dowlada Syria ay dooneyso inay kula wareegaan deegaanada mucaaradka ka taliyaan

Xili lagu wado in wada hadal loo furo mucaaradka syria iyo dowlada dalkaasi si loo soo af jaro dagaalada mudada badan qaatay ee wadankaas ka socda kuwaa oo ay ku naf waayeen kumanaan shacab ah oo aan waxba galabsan kuna bara baxey malaayiin kale oo ku dul nool wadamada dariska iyo qaarada yurub.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here