Hogaamiyaha xisbiga ugu weyn mucaaradka ee dalka yugaandha Dr kizza bisijiya ayaa gabi ahaanba cadaalad darro ku tilmaamay doorashada uu ku guuleystay madaxweynaha dalka yugaandha ee yuweeri musafane.
Gudiga doorashada qaranka oo shalay galinkii dambe ku dhawaaqay madaxweyne yuweeri in uu yahay madaxweynagha dalkaasi , ayaa bisijiya uu ku sheegay in aysan aheyn guddi cadaalad ku shaqeeyey , waxaana uu intaasi ku daray in musuq maasuq badan ay sameeyeen gudigaasi.
Dr bisijiya Hogaamiyaha Mucaaradka ugu weyn dalka Uganda ayaa gudiga ay sheegeen in uu helay codod dhan 35%, waxaana madaxweyne yuweeri uu isagana helay codod dhan 60%.
Bisijiya ayaa booliska ugandha ay xireen dhoor jeer inta ay socotay doorashada madaxtinimo ee yugaandha.
Madaxweyne yuweeri ayaa 5ta sano ee soo aadan ahaanaya madaxweynaha dalkaasi, waana 5 doorasho oo xiriir ah oo madaxweynaha uu ku guuleesto laga soo bilaabo sanadkii 1986-dii oo uu talada ku qabsaday si afgambi ah.

