Macalinka ku meel gaarka ee kooxda Chelsea Guus Hiddink ayaa cadeeyay in uu qorsheynayo dhamaadka xili ciyaareedkaan ka fariisashada kubada cagta.
69-jirkaan ayaa mar kale shaqo ka qabtay kooxda Chelsea kadib markii bishii December laga ceyriyay macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho oo ku bilowday waayo aan aad u fiicneen.
Guus Hiddink ayaa kooxda Chelsea ka caawiyay in ay dib ugu soo laabato waayihihii guulaha marka laga reebo hal guuldaro uu kala kulmay kooxda Paris Saint-Germain lugta Hore ee Champions League oo todobaadkii hore la ciyaaray.
Macalinka reer Holland oo saxaafada la hadlay ka hor kulanka kooxda Manchester city ee Fa Cup ayaa sheegay in uu qorsheenayo ka fariisashada kubada Cagta dhamaadka xili ciyaareedkaan.

