Arsenal oo Dalab ka Gudbisay Xidiga Gonzalo Higuain

0

Kooxda arsenal ayaa dalab u gudbisay kooxda Napoli ee Horyaalka dalka Talyaaniga oo ku aadan weeraryahanka hogaaminaya gooldhalinta Horyaalka dalka talyaaniga Gonzalo Higuain sida maanta lagu daabacay Fichajes.net.

Macalinka kooxda arsenal Arsene Wenger ayaa la dhacsan qaab ciyaareedka weeraryahanka reer argentine ee Gonzalo Higuain isagoo ka doorbidi doona xidiga reer France ee Olivier Giroud’s oo ah weeraryahanka kooxda arsenal.

Laacibkii Hore ee kooxda Real Madrid Gonzalo Higuain ayaa waayo fiican ku qaadanaya xili ciyaareedkaan Horyaalka dalka Talyaaniga isagoo sidoo kale ah gooldhaliyaha xiligaan ugu sareeya dhanka gooldhalinta Talyaaniga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here