Maamulka Gobolka Banaadir oo Faah-faahin ka Bixiyay Howlgal laga Sameeyay degmada Heliwaa +Dhageyso

0

Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa howlgal xalay ilaa saakay ka socday xaafada suuqa xoolaha ee degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Abdifitaax cumar Xalane oo warbaahinta kula hadlay goobaha xalay ilaa saakay ay ka socdeen howlgalka ee degmada heliwaa ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay dhalinyaro badan iyo dad lagu tuhmaayo in ay xiriir la leeyihiin al-shabaab.

Abdifitaax cumar Xalane Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dowlada soomaliya waxa uu sheegay in lasii deyn doono cidii dambi lagu waayo isla markaana cidii lagu helo ka mid ahaanshaha al-shabaab maxkamada lala tiigsan doono.

Dhanka kale afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu dhanka kale sheegay in lasii wadi doono howlgalada laga sameeyo degmooyinka Gobolka Banaadir kuwaasi oo lagu sheegay in lagu xaqiijinaayo amaanka Gobolka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here