Dowlada Lithuania oo abaal Marino Gudoon Siisay Taliyaasha Ciidanka badda ee ku sugan Soomaaliya

0

Dowlada  Lithuania, ayaa maanta abaal marino gudoon siisay saraakiisha ciidanka badda ee la dagaalanka burcad badeeda soomaalida ee ku sugan xeebaha soomaliya.

Saraakiisha abaal marinta la gudoonsiiyey waxaa ka mida ahaa Captain Remigijus Zabielaoo ah taliyaha ciidamada badda ee la dagaalanka burcad badeeda soomaalida, waxaana ay haweyneeydaasi la gudoon siiyey abaal marinteedii labaad inta ay hogaamineyso howl galka la dagaalanka burcad badeeda soomaalida.

Lithuania ayaa waxaa ay ka mid tahay howl galka midowga yurub  Atlanta ee la dagaalanka burcad badeeda soomaalida kaasi oo la aas-aasay sanadkii 2009-ka.

Saraakiil gaareysa ku dhawaad 20-saraakiil  ayaa helay abaal marino kala duwan sida dalacsiinta darajooyin lagu abaal mariyey ciidankaasi

Lithuania, wxaa ay howl-galka midowga yurub ee lagula dagaalamayo kooxaha burcad badeeda soomaalida ay kusoo biirtay sanadkii 2011-kii , iyadoo xeebaha soomaaliya ay ka joogaan maraakiib dagaal oo tira ahaan gaaraya 8 markab.

Howl-galka Atlanta waxaa aas aasay dalalka midowga yurub sanadka markuu ahaa 2009-kii xiligaasi oo kor ay u kaceyn weerarada lagu qaado maraakiibta shisheeye ee adeegsada biyaha soomaaliya iyo kuwa ka baxsan intaba.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here