Dowladaha Kenya iyo Ethiopia ayaa taliska amisom ka daldabay in la siiyo diyaarado helicopter ah si ay hawada ugu duqeeyaan xarakada al-shabaab.
Taliska amisom ayay dowladahaan ku wargaaliyaan in diyaaradaha helicopter-ka ay u sahlayaan weeraro dhanka cirka ah in laga fuliyo koonfurta iyo bartamaha dhulka soomaliya oo ay ku sugna yihiin xarakada al-shabaab.
”Diyaaradaha waxa ay naga caawin doonaan dagaalka ay kula jirno al-shabaab waxaan awood u heli doonaa in aan hawada ka duqeyno al-shabaab ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Kenya iyo Ethiopia oo qeyb ka ah Taliska amisom.
Taliska Amisom ayaa ciidamada Uganda ee ku sugan soomaliya ugu deeqay diyaaradaha duqeynta lagu fuliyo balse waxa ay ku burburreen xadka Kenya sanadkii 2012-ka.
Dowlada Kenya ayaa dhawaan sheegtay in duqeyn diyaaradeed ay ku dishay Hogaamiye ka tirsanaa al-shabaab oo lagu magacaabi jirey Mohammed Karatey kaasi oo al-shabaab u qaabilsanaa sirdoonka.

