Ciidamo kamid Noqonaya Daraawishta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo Tababar loo Soo Xiray

0

Mas’uuliyiin ka socota maamulka koonfur Galbeed soomaliya ayaa maanta gaaray degmada waajid ee Gobolka Bakool iyagoo halkaas tababar ugu soo gaba-gabeeyay ciidamo ka Tirsan kuwa daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed soomaliya.

Wasiirka hubka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka ee Maamulka  Koonfur Galbeed Xasan Xuseen oo tababbarka  u soo xiray 350 askari oo ka mid noqonaya  ciidamada darawiishta Maamulka Koonfur galbeed ayaa kula dardaarmay in ay diyaar u noqdaan howlgalka Gobolka Bakool loogu saarayo xarakada al-shabaab.

Dhanka kale Maamulka degmada waajid ayaa lagu wareejiyay gaadiid ciidan oo la sheegay in loogu talagalay in ay kula dagaalamaan xarakada al-shabaab oo gooyay qaar kamid ah wadooyinka soo gala degmada waajid ee Gobolka Bakool.

Degmada waajid ee Gobolka Bakool qeybo kamid ah waxaa ka arimiya maamulka al-shabaab kuwaasi oo gooyay qaar kamid ah wadooyinkii soo galayay degmada.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here