Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa bartamaha dhulka soomaliya ayaa sheegaya in ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa midowga Africa ay la wareegeen deegaanka Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Wariyaha radio Simba ee Gobolka Hiiraan Maxamed Germal ayaa kusoo waramaya in dagaal saacada qaatay uu ka dhacay deeganka Maxaas ee gobolka Hiiraan kadibna ay u suurta gashay Ciidamada dowlada soomaliya la wareegitaanka deegankaas.
Mas;uul ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la wareegtitaanka deeganka Maxaas ay ksuoo beegmayso kadib markii dadka deegaanka ay maamulka dowlada soomaliya ee Gobolka Hiiraan ay kusoo wargaliyeen in ay dhibaatooyin kala kulmaam ciidamada al-shabaab.
Dhanka kale dagaalka ay ciidamada dowlada soomaliya kula wareegeen deegaanka Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in ay qeyb ka ahaayeen dadka deegaanka Maxaas.

