Abaanduulaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kormeer ku Tagay Deegaanka biyo Cadde

0

Abaanduulaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Cali Baashi iyo saraakiil kale ayaa maanta booqday deegaanka biyo cadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo dhawaan lagala wareegay ciidamada al-shabaab oo muddo ku sugnaa.

Sareeyo Guuto Cali Baashi iyo xubnihii la socday ayaa kormeero ku tagay xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowlada soomaliya ee deegaanka biyo cadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe isagoona kula dardaarmay saraakiisha ciidamada  in la adkeeyo amaanka deegaanka oo dhawaan lagala wareegay ciidamada al-shabaab.

Abaanduulaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Cali Baashi ayaa sidoo kale ku amaanay ciidamada xoogga dalka soomaliyeed ee dhawaan la wareegay deegaanka isagoo u sheegay in ay  yihiin kuwa dalkooda u huraya naftooda tariikhdana ay xusi doonto mar walba.

Dhanka kale Sareeyo Guuto Cali Baashi ayaa sheegay in taliska xoogga dalka soomaliyeed uu wado qorshe al-shabaab loogu saarayo deeganada ay kaga sugan yihiin Gobolada dalka soomaliya.

Dhawaan ayay aheyd markiii ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay la wareegeen deegaanka biya cadde.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here