Madaxweynaha Mudane Xasan sheikh Maxamuud iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay kasoo qeyb galeen shir loogu hadlaayay arrimaha amniga caalamka ee Munich Security Conference (msc2016),
Waxaa Garoonka diyaadaraha Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdiga Madaxweynaaha guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud oo qudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirka Magaalada munich ee dalka Germany ayaa ka hadlay qataraha al-shabaab, Boko-Haram iyo hormarka dowlada soomaliya ay tiigsanayso.
Dhanka kale Madaxweynaha Soomaliya ayaa Magalada Munich ee dalka Germany kula kulmay madax iyo diblomaasiyiin kuwaasi oo ay ka midyihiin Jan Eliasson oo ah Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Norway, Borge Brende, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Philip Hammond, Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka, Ursula von der Leyen, iyo mas’uuliyiin kale.
Sidoo kale Madaxweynaha Sooomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa madaxdii shirka kasoo qeyb gashay kala Hadlay xoojinta xiriirka iyo ka garab istaagida dowlada soomaliya la dagaalanka kooxaha dowlada soomaliya kasoo horjeeda.

