Ugu yaraan 1 qof ayaa geeriyooday kadib dibad baxayaal taageersan musharaxa mucaaradka Kizza Besigye ay dibadbaxyo ka dhigeen wadooyinka Magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Dibad baxa ayaa ka dhacay caasimada Uganda ee kampala halkaasi oo boolisku ay dadka dibad baxa dhigayay ay rasaas ku kala ceeriyeen. taasi oo keentay dhimashada mid kamid ah dadkii dibadbaxa dhigayay.
Hogaamiyha ugu weyn xisbiga mucaaradka Kizza Besigye ayaa dowlada ay xirtay xili uu u sharaxan yahay doorashada madaxtinimo ee khamiista soo aadan ka dhici doonto dalkaasi.
Madaxweynaha Uganda oo 71 sano jir ah muda dhan 30 sano madaxweynaha ugadha ahaa ayaa hada ugu cad cad in dib loo soo doorto kadib markii dastuurka dalkaasi isbadal lagu sameeyey.
Yuweeri ayaa dalka madaxweyne ka noqday sanadkii 1986-dii

