Waxaa Maanta Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho howlo kormeen ah ku Tagay Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ay wehliyaan saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka booliska.
Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa warbixino ka dhageystay saraakiisha amaanka Garoonka diyaarada Magaalada Muqdisho ee aadan cadde iyo hab cusub oo garooonka lagu soo kordhiyay oo ah Ciidamada booliska oo sida gaarka ah u tababaran ee RRT iyo kuwa kale oo loo tababarayay in ay la shaqeeyaan Eeyaha waxyaabha qarxa u riya,
Taliyaha oo la hadlay saraakiisha ciidamada amaanka Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa ku wargaliyay in si weyn loo baari waxyaabaha kasoo dagaya garoonka iyo waxyaabaha ka baxaya si loogu hortago falal amni daro oo ka dhaca garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.
Tan iyo markii diyaarada daallo air Line qarax gudaheed uu ka dhacay waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho iyadoona saldhig muhiin ah laga hirgaliyay garoonka Muqdisho.





