Faah-faahino dheeri ah ayaa laga helayaa dil galinkii dambe ee maanta ka dhacay xaafada suuq bacaad ee degmada yaaqshid ee Gobolka Banaadir oo loo geystay wiil iyo hooyadiisa.
Kooxo hubeysan ayaa Gudaha xaafadaas ku dilay wiil iyo hooyadiisa oo kamid ahaa dadka deeganka xaafada suuq bacaad ee degmada yaaqshid si uu waraabhinta simba u sheegay mid kamid ah ehelada labada ruux ee la dilay oo ka gaabsaday in uu warbaahinta la hadlo.
Ruux ehelka la ah labada ruux ee la dilay ayaa sidoo kale simba u sheegay in walaalkiisa oo kamid ahaa ciidamada hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya balse uusan ogeyn ujeedka loo dilay hooyadiisa oo aheyd qof shacab ah.
Gooobta uu dilka ka dhacay galabta waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Nabad sugida howlgal laga sameeyay xaafada ayaa la sheegay in lagu soo qabtay dad lagu tuhmaayo dilka wiilka iyo hooyadiisa.

