Ciyaaryahankii Hore ee xulka dalka talyaaniga Giuseppe Galderisi ayaa u sheegay laacibka Marco Verratti in uu ka tago kooxda PSG ee dalka France uuna ku biiro kooxaha Real Madrid ama Barcelona.
Giuseppe Galderisi oo macalin usoo noqday xidiga qadka dhexe ee kooxda PSG waayihiisa kooxda Pescara, sidoo kalana u gacan galiyay markiisa ugu horeysay in looogu yeero xulka dalka Talyaaniga 2008/2009 ayaa ugu baaqay in laacibka ka dhaqaaqo horyaalka dalka France uuna ku biiro Barcelona ama Real Madrid,
Laacibka xulka dalka Talyaaniga Marco Verratti ayaa garoonka Parc des Princes u dhaqaaqay xili ciyaareedkii 2012-ka isagoona ka dhaqaaqay Horyaalka dalka talyaaniga.

