Wararka ka imaanaya degmooyinka u dhaxeeya Xarardheere, iyo Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in uu ka dhacay halkaas dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Xarakada al-shabaab iyo dadka deeganka.
Qof kamid ah dadka deegaanka oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in uu dagaalka geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dadkii deegaanka ku nool iyo ciidamada xarakada al-shabaab oo ka arimiyo deegaanka la weerararay.
Qofka deegaanka ayaa sidoo kale idaacada simba u sheegay in weerarka ay qaadeen dadka deegaanka taasina ay keentay in uu dagaal toos ah dhexmarayo Ciidamada al-shabaab iyo dadkii deegaanka
Dagaalka u dhaxeeyay al-shabaab iyo dadka deegaanka ayaa intiisa badan ka dhacay deegaan la yiraahdo caad oo u dhaxeeya degmooyinka Xarardheere, iyo Hobyo ee Gobolka Mudug.
Dhanka kale Marar badan degmooyinka u dhaxeeya Xarardheere, iyo Hobyo ee Gobolka Mudug waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay maamulka al-shabaab iyo dadka deegaanka.

