Weeraryahanka kooxda Barcelona Luis Suarez ayaa ka hadlay sababtii uu kaga tagay kooxda Liverpool oo kamid ah kooxaha ugu sumcada wanaagsan dalka ingiriiska marka laga hadlaayo koobabka.
Laacibka heerka caalami ee xulka dalka Uruguay ayaa tilmaamay in uu noloshiisa ay ku faraxsaneen ku guuleysiga koobka caanka ee Champions League. Uu Barcelona la qaaday xili ciyaareedkii aynu soo dhaafnay.
Luis Suarez ayaa garoonka Anfield yimid January 2011 kadib markii kooxda Liverpool ay kaga soo iibsaday kooxda Ajax, aduun dhan £20million.
Dhamaan tartamada oo u saftay kooxdiisa wuxuu u dhaliyay 82-gool kadib markii uu kasoo muuqday 133-kulan waana mid bandhig wanaagsan ku qaatay horyaalka dalka ingiriiska.
Luis Suarez ayaa dhaliyay 31-goal xili ciyaareedkiisa ugu dambeeyay ee kooxda Liverpool oo xiligaas ku dhameysatay kaalinta 2-aad ee kala sareynta horeynta horyaalka dalka ingiriiska oo xiligaas ay ku guuleysatay kooxda Manchester City.

