Magaalada kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose waxaa maanta La filayaa in lagu soo gaba-gabeeyo shirkii lagu go’aamin lahaa nooca doorasho ee soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka,
Shirka oo todobaadkii aynu soo dhaafnay Gaba-gabadiisa ka Furmay Magaalada kismaayo ayaan la isku af-garanin qaabka ay noqon doonto doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka iyadoona madaxdii shirka ka qeyb gashay ay kala arakti duwanaadeen,
Madaxda Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed soomaliya ayaa qaba in doorashada soomaliya laga dhigo nidaamka 4.5, halka Madaxda Maamulada Puntland iyo Juba-land ay qabaan in doorashada laga dhigo nidaamka heer degmo oo laga gudbo heerka 4.5.
Xalay waxaa Magaalada Kismaayo lagu qabtay xaflad si heer sare loosoo agaasimay ayna kasoo qeyb galeen madaxdii ku sugneed Magaalada kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose,
Dadka siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in waxba aysan kasoo bixi doonin shirka dhawaan lagu qabtay magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose,

