Al-shabaab oo Weeraray Ciidanka Kenya oo Marayey deeganka Lamu.

0

Kolonyo gawaari oo ay la socdeen ciidamada Kenya ayaa rag ka tirsan Al-shabaab waxa ay ku qaadeen weerar ku bilowday qaraxyo ayna daba socotay rasaas xoogan.

Weerarka ayaa ciidanka dowlada Kenya ku qabsaday jasiirada lamu ee xadka soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan ku taala. sida aynu wararka ku haleyno

Ciidamada la weeraray ayaa ahaa kuwa booliska Kenya, waxaana ciidanka ay marayeen deegaan Bargoni oo dhanka waqooyi ee magaalada lamu kutaala.

Inta la xaqiijiyey weerarka maanta lagu qaaday kolonyada ciidanka booliska Kenya ay la socdeen ayaa waxaa ku dhintay saddex askari halka tira kale oo saraakiil ahna uu dhaawac kasoo gaaray.

Dhanka kale xarakada Al-shabaab oo weerarkaan geestay kama aysan hadlin qasaaraha weerarkaasi inta uu la ekyahay.

Deegaanka lamu ayaa waxa uu caan ku noqday weeraro tixana ah oo Alshabaab ay ka geestaan magaaladasi, iyadoo weerarada ay qaadan lala eekto saldhigyada ciidanka Kenya iyo sidoo kale gawaarida ay wataan ciidanka ee mara wadooyinka jasiirada lamu.

Bishii October sanadkii 2011-kii ayaa cidanka Kenya ay ka mid noqdeen Amisom waxaana tan iyo xiligaasi ay Al-shabaab kordhiyeen weerarada qorsheesan ee lagu qaado ciidanka Kenya iyo magaalooyinka Kenya ku yaalo oo caasimada ay ka mid tahay,

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here