Hay-ada gargaarka ee dalka qadar ayaa sheegtay in qeybo ka tirsan dalka soomaaliya ay ka bixiyeen gargaar bini aadan nimo oo ay ka faa,iideysteen 71,000 oo qof.
Hay-ada oo qadar laga leeyaghay ee lagu magacaabaa Qatar charity waxa ay sheegtay in ay deeqaha gargaar ah ay u qeybisay dad badan oo tabaaleysan kuwaaasi oo ku kala nool maamulada soomaaliland, puntland , bartamaha iyo koonfurta soomaaliya.
Hay’ada waxaa kaloo ay sheegtay in dadka goobahaasi kunool ay ka taageereen dhinacyo badan sida cuno qeybin , dhisida guryo iyo waliba dhanka caafimaadka oo ay ka jirtay baahi xoogan.
6-dii bilood ee lasoo dhaafay hay-ada gargaarka ee dalka qadar ayaa xustay in 855,000 oo qof ay la ildarnaayeen baahiyaha dhanka raashinka hasayeshee qadar charity ayaa dadkaasi u qeybisay deeq iskugu jirta bur, bariis, sokor , timir ,saliid iyo gasacado caana ah.
1,300 oo ah baakadaha raashinka ku jira ayaa hay-ada ay ka qeybisay maamulka Somaliland halka waqooyi bari maamulka puntland ay hay-adu ka qeybisay shixnado gargaar oo tira ahaan gaaraya 4,000.
Hay-ada ayaa ugu dambeeyn sheegtay in koonfurta soomaaliya ay ka qeybisay deeq gargaar oo ay ka faa,iideesteen qoysas gaarayey 75,000 oo qoys.
Dowlada qadar ayaa waxaa ay ka mid tahay dowladaha carbeed ee soomaaliya ka taageera dhanka bini,aadanimada.

