Sawiro:- Xildhibaano kamid Noqonaya Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta lagu dhaariyay Baydhabo

0

Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ee  Xarunta Gobolka Bay Lagu dhaariyay Tiro Xildhibaano ah oo kamid Noqonaya xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya,

Tirada xildhibaanada maanta la dhaariyay ayaa gaarayay 57-Mudane waxayna kamid Noqon doonaan 89-xildhibaan oo dhawaan lagu dhaariyay Magaalada baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Xildhibaannada maanta lagu dhaariyay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay waxaa ku jiray 30 haween ah oo ka mid noqonaya xildhibaanada baarlamaanka Maamulka Koonfur-galbeed Soomaliya,

Xafladii dhaarinta xildhibaanada baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya waxaa ku sugnaa Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Mudane shariif xasan sheikh aadan, tiro wasiiro ah oo kamid ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya wakiillo ka socda UNSOM, IGAD, AMISOM iyo qaybo ka mid ah bulshada ku nool magaalada Baydhabo.

Ugu Horeyntii Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Mudane shariif Xasan shiikh aadan oo Hadal kooban ka jeediyay Xaflada ayaa sheegay in loogu baahan yahay xildhibaanada maanta la dhaariyay in si wanaagsan u matalayaan dadka laga soo xulay,

Dhanka kale Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa doortay isla Maanta Gudoomiyaha Kmg-ga ah ee Baarlamanka Maamulkaas waxayna u doorteen Mudane Cabdala Muuse Xuseen,

XILIDHIBANADA-KOFUR-GALBED-6 XILIDHIBANADA-KOFUR-GALBED-5 XILIDHIBANADA-KOFUR-GALBED-3 XILIDHIBANADA-KOFUR-GALBED-1

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here