Guddiga Difaaca ee Suxufiyiinta Caalamka oo soo saaray Warbixin ku aadan dilalka Suxufiyiinta Sanadka 2015-ka

0

Xili sanadkaan sii dhamaanaya ee 2015-ka uu kamid Noqday sanadyada ugu badan ee caalamka Lagu dilo Suxufiiyinta  ayaa waxaa warbixin arintaas kasoo saaray  Guddiga difaaca ee suxufiyiinta Caalamka ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano CPJ.

Guddiga difaaca ee suxufiyiinta caalamka ayaa Tilmaamay in dalalka soomaliya, Ciraaq France iyo Syria  ay Noqdeen wadamada inta badan lagu dilo Wariyaasha iyadoona sanadkaan dalalkaas lagu dilay wariyaal aad u Fara badan oo xiligaas ku jirey Howlahooda shaqada,

Warbixin la soo saaray ayaa sidoo kale Lagu sheegay in Boqolkiiba 40% wariyaasha la dilay ay dileen kooxaha argagixisada ee ka dagaalama wadamada caalamka, iyadoona sanadkaan la dilay 65-suxufi,

Si kooban Warbixinta wariyaasha la dilay

Dalalka lagu dilay wariyeyaasha sannadkaan ayaa waxaa ka mid ah Somalia oo la sheegay in sannadkaan lagu dliay saddex wariye, kuwaasoo kala ah; Hindiya Xaaji Maxamed oo ka tirsanayd, Radio Muqdisho oo lagu dilay Muqdisho 03-dii December, 2015-ka. Mustafa Cabdi Nuur oo ahaa wariye madax-banaan oo lagu dilay  Muqdisho 01-dii November, 2015-ka iyo Daa’uud Cali Cumar oo Radio Baydhabo ka tirsanaa oo isna lagu dilay Baydhabo 29-kii Abriil ee sannadkan 2015-ka.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here