Kooxda Real Madrid ayaa dib u helaysa xidigaha Sergio Ramos iyo Dani Carvajal kulanka ay la ciyaari doonto Todobaadkaan kooxda Real Sociedad, kulamada Horyaalka dalka Spain,
Xidigaha kooxda Real Madrid ayaa dib ugu soo laabtay Xirada Tababarka ee kooxda Real Madrid iyagoona isku diyaarinaya kulanka Real Sociedad, kulanka ayaa ka dhici doona garoonka Santiago Bernabeu.
Intuu kooxda ka maqnaa Sergio Ramos Kaptanka kooxda waxaa booska daafaca dhexe ciyaarayay xidiga heerka caalami ee xulka dalka France Raphael Varane.

