Faah-Faahin:- Dagaal Xoogan oo ka dhacay Gabolka Gedo

0

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee Koonfurta  dalka soomaliya dagaal xoogan  oo hubka noocayadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayaa  ka dhacay deeganka Tarako ee Gobolka Gedo.

Dagaal ayaa u dhaxeeyay ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo garab ka helaya ciidamada midowga Africa ee amisom gaar ahaan kuwa Kenya iyo al-shabaab oo maalmihii dambe weerar kusoo qaadayay deeganka Tarako ee Gobolka Gedo,

Saraakiil ka Tirsan ciidamada dowlada soomaliya oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu dagaalka ahaa mid aad u xoogan al-shabaabna ay deeganka Tarako ay kuso qaadeen,

Wali wax war ah kama soo bixin dhanka al-shabaab ay kaga Hadlaan dagaalka ka dhacay deeganka Tarako ee Gobolka Gedo,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here