Wakiilka Macalin Jose Mourinho Jorge Mendes. Ayaa meesha ka saaray wararka ku aadan in uu jiro heshiis dhaxmaray macalinkii hore ee kooxda Chelsea iyo kooxda Manchester United si uu shaqadaas u qabto,
Macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa si weyn loola xiriirinaayaa shaqada kooxda Manchester United kadib markii dhawaan laga ceyriyay shaqada kooxda Chelsea ee ka dhisan Galbeed Magaalada London,
Dhanka kale Jorge Mendes oo ah wakiilka ciyaartooy badan ayaa sheegay in uusan macalin Jose xiligaan ku fikireenin in uu qabto mid kamid ah kooxaha Horyaalada Horyaalka dalka Ingiriiska.
.

