Madaxweynaha soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa wali Magaaladaas kawada Kulamo uu la qaadanayo waxgaradka. Odoyaasha, siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan isagoona ku qancinaayo dhamaantooda in ay ka qeyb galaan shirka dhawaan ka Furmo doona Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Odayaasha ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa dhankooda diidan in ay Tagaan Magaalada Jowhar si ay kaga qeyb galaan shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe iyagoona Tilmaamaya in shirka markii Hore loogu Talagalay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Dhanka kale Waxaa Maanta mar kale la Filayaa in Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan uu ka dhaco kulan dhaxmari doona Odayaasha iyo Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud kulanka intiisa badan ayaa loogu Hadli doonaa arimaha shirka iyo sidii odayaasha loo qancin lahaa,

