Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada Booliska Somaliya ayaa Dekeda Magaalada Muqdisho ku qabtay Hub iyo dareyska ciidamada dowlada soomaliya oo saarnaa kunteenar ay lahaayeen Ganacsato soomaliyeed.
Ciidamada Booliska oo gaaray Dekeda Magaalada Muqdisho Baaritaano ay sameeyeen kadib waxa ay gacanta ku dhigeen kunteenar ay lahaayeen Ganacsato soomaliyeed kasoo laga helay Hubka noocyadiisa kala duwan iyo dereyska ciidamada dowlada soomaliya,
Dhanka kale Ciidamada Booliska Dekeda Magaalada Muqdisho waxa ay xabsiga dhigeen ganacsatada la sheegay in ay la haayeen kunteenarka , iyagoona kuwo kale ku daba jooga.
Ilaa Haatan wax war ah kama soo bixin laamaha amaanka dalka soomaliya ay kaga Hadlayaan kunteenarada la sheegay in ay saarnaayeen hubka iyo dareyska ciidamada dowlada soomaliya oo lagu qabtay Dekeda Magaalada Muqdisho.

