Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Maamulka Jubbaland oo gacan ka helaya ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee amisom, ay maanta la wareegeen deegaanada Beerxaani, Cabdi Dhoore iyo Qudus oo dhamaatooda hoos yimaada Gobolka Jubbada Hoose.
Deegaanada ay ciidamada Maamulka Juba-land iyo kuwa Kenya ay la wareegaan Maanta ee Beerxaani, Cabdi Dhoore iyo Qudus waxay qiyaas ahaan 60-km u jiraan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Dhanka kale ciidamada Maamulka Juba-land iyo kuwa Kenya ayaa la sheegay in ay duqeeyeen ka hor inta aysan la wareegeen deeganadaan waxaana intii ay socotay duqeynta goobahaas iskaga baxay ciidamada al-shabaab oo mudooyinkii dambe ku sugnaa goobahaas,
Ciidamada Maamulka Juba-land iyo kuwa Kenya ayaa mudo

