Ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaliyeed ayaa ugu baaqay Taliska Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka soomaliya in xuriyadiisa dib loo siiyo wariye C/risaaq siiriya oo ku xiran mid kamid ah xabsiga ay Maamusho Hay’ada Nabad sugida
Xoghayaha ururka suxufiiyinta qaranka Soomaliyeed Maxamed ibraahin pakistaan oo la Hadlay idaacada simba ayaa sheegay si sharci daro ah uu ku xiran yahay wariye C/risaaq suuriya isagoona Hadalkiisa ku daray in wariye la xirnaa C/risaaq lasii daayay,
Dhanka kale Pakistaan waxa uu Tilmaamay in ururka uu ku Howlan yahay sidii lo sii deyn Lahaa isagoona Hay’ada Nabad sugida ugu baaqay in ay ilaaliso xuquuqda suxufiyiinta soomaliyeeed.
Wali wax war ah kama soo bixin Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ay kaga hadlayso xariga la sheegay in ay u geystay wariye lagu magacaabo C/risaaq suuriya

