Qarax ka dhacay Suuq ku Yaala Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qarax xoogan uu Maanta ka dhacay suuqa galeyda ee Magaalada Marka.

Qaraxa ayaa la sheegay in noociisa uu ahaa kan gacanta laga Tuuro waxaana lala beegsaday ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo xiligaas dhaxmarayay  Gudaha suuqa galeyda ee Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoos.

Inta la xaqiijiyay shan qof ayaa ku dhaawacantay qaraxa Maanta ka dhacay Magaalada marka  kuwasoo la sheegay in ay dhammaantooda ay ahaayeen dadkii rayidka ahaa ee xiligaas ka adeeganaayay suuqa galeyda ee Magaalada Marka..

Dhanka kale ciidamada dowlada soomaliya ee qaraxa lala beegsaday ayaa la sheegay in ay fureen Rasaas xoogan oo ilaa haatan aan la ogeyn qasaaraha ay geysatay,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here