Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo Hadal kooban ka jeediyay shirkii lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho ee loo qabtay dhalinyada soomaliyeed ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaliyeed ay yihiin kuwa dalka dhisi kara marna dumin kara,
Mudane Xasan sheikh Maxamuud Madaxweynaha soomaliya ayaa Tilmaamay in dhalinyarada Soomaliyeed loogu Baahan Yahay in ay ka qeyb qaataan siyaasada dalka soomaliyeed Halka ay ka qeyb qaadan lahaayeen burburka dalka soomaliyeed, iyo qaranimada soomaliyeed.
Dhanka kale Madaxweynaha soomaliyeed xasan sheikh Maxamuud ayaa beeniyay wararka ku aadan in dowladiisa ay qorshaynayso waqti korosi labo sano ah isagoona u sheegay dadka saas aaminsan in aysan waxba ka jirin arintaas. laakin uu yahay musharax u Taagan qabashada xilka Madaxweynaha soomaliya doorashada ka dhacaysa soomaliya sanadka 2016-ka.

